WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Guddoomiye ku-xigeenkii Guddiga Doorashada Puntland oo is Casilay

Guddoomiye ku-xigeenkii Guddiga KMG doorashooyinka dowlad Goboleedka Puntland Jaamac Xirsi Faarax ayaa ku dhawaaqay inuu isna xilkii iska Casilay, kadib markii saacad kahor uu xilka iska Casilay Guddoomiyihii Guddigaas Guuleed Saalax Barre.

Qoraal uu soo saaray Jaamac Xirsi Faarax ayuu ku sheegay in Warqadiisa is Casilaada uu u gudbiyey xubnaha Guddiga KMG doorashooyinka Puntland, isla markaana waxaa uu ka dalbaday inay si dhaqsi ah uga aqbalaan Go’aanka uu gaaray.

Guddoomiye ku-xigeenkii Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa dhammaan xubnaha Guddiga uga mahadceliyay sidii qiima laheyd ay usoo wadashaqeeyeen muddadii labada sanno aheyd ee uu haayay xilka Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga.

Ma shaacin Jaamac Xirsi Faarax sababta keentay inuu xiligaan iska Casilo xilka Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga KMG doorashooyinka Puntland, hayeeshee wuxuu sheegay oo kaliya inuu gudbiyey Warqadiisa is Casilaada.

DEG DEG:-Guddoomiye ku-xigeenkii Guddiga Doorashada Puntland oo is Casilay
To Top