WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Lafta-gareen oo Maanta la kulmay Safiirada Mareykanka iyo Ingiriiska

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Safiirada dowladda Ingiriiska Kate Foste iyo Sii-hayaha Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya.

Kulanka Madaxweyne Lafta-gareen iyo Safaarada ayaa ka wada hadlay Arrimo kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka dhacaya oo ku qabsoomi waayay waqtigii loogu tala-galay.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Safiirka Ingiriiska Kate Foste iyo Sii-hayaha Safaarada Mareykanka kala hadlay ammaanka deegaannada Maamulkaas iyo sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha baahsan ee saameynta ku yeelatay Bulshada.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa dowladda Ingiriiska iyo Mareykanka ka dalbaday inay dardar-geliyaan taageerada ay siiyaan maamulkiisa, isagoona uga mahadceliyay dadaalada ay wadaan Wakiilada Beesha Caalamka ee ku aadan doorashada.

Madaxweyne Lafta-gareen oo Maanta la kulmay Safiirada Mareykanka iyo Ingiriiska
To Top