WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Puntland oo War kasoo saartay Dagaal Beeleed khasaaro dhaliyey

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka hadlay dagaal laba maleeshiyo Beeleed ku dhex-maray deegaannada Saaxmaygaag iyo Sanga jabiye, kuwaas oo kuyaalla inta u dhaxeeysa Gobolada Sool & Nugaal.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo Shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta waxaa uu marka hore ka tacsiyadeeyay dadka ku dhintay dagaalka halka uu Caafimaad Alle uga baryay kuwa ku dhaawacmay.

Waxaa uu ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaannada Saaxmaygaag iyo Sanga jabiye inay dagaalka si deg deg ah u joojiyaan, isaga oo cadeeyay inay yihiin dad walaalo ah aadna uga xun yihiin inay dagaalameen.

Ugu dambeyn Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Puntland wuxuu ugu baaqay Isimada Puntland ay Colaadaas xal u raadiyaan, isla markaana Puntland dhankeeda ay awoodeeda isugu geeyneyso sidii dagaalka loo joojin lahaa.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Puntland oo War kasoo saartay Dagaal Beeleed khasaaro dhaliyey
To Top