WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay qaar kamid ah Madaxda M/Goboleedyada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay la kulmay Madaxweyneyaasha dowlad-Goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble, Axmed Qoorqoor, Cabdicaiis Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe ayaa waxaa uu hordhac u ahaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Madaxda ayaa ka wada hadlay furitaanka iyo Ajendayaasha Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka furmaya Magaalada Muqdisho, waxaana Ra’iisul Wasaare Rooble Madaxda ka xog-wareystay xaaladdaha deegaanadooda.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Madaxweyneyaasha maamulada Jubbaland, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, iyagoo ka qeyb galaya Shirka Golaha oo looga hadli doono saxida doorashada iyo dhammeystirkeed…

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay qaar kamid ah Madaxda M/Goboleedyada
To Top