WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Ciidamo farabadan oo soo galay Magaalada Baladweyne iyo xiisad ka taagan

Ciidamo farabadan oo uu hoggaaminayo Sarkaal horay uga tirsanaa Ciidamada dowladda oo lagu Magacaabo Nuur Dheere ayaa waxaa ay xalay soo galeen Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamadaan ayaa shalay waxaa ay kula dagaalameen Ciidamada dowladda degaanka Qowlad oo qiyaasitii 12-KM dhinaca Waqooyi kaga beegan Beledweyne, balse Ciidamada ay si deg deg kusoo galeen.

Magalada Beledweyne waxaa xalay ka dhacay dibadbaxyo waaweyn oo rabshado watay, kuwaas oo looga soo horjeeday Maamulka Hir-shabeelle, waxaana banaanbaxayaasha ay soo dhaweeyeen Sarkaalka Nuur Dheere iyo Ciidamada uu wato.

Xaaladda Beledweyne ayaa saaka degan, hayeeshee dadka Shacabka ah ay dareemahaan cabasi maadaama Magaalada ay ku wada sugan yihiin Ciidamada dowladda & kuwa Hir-Shabeelle oo dhinac ah iyo kuwa la magac baxay Kacdoonka Gobolka Hiiraan oo uu horkacayo Nin lagu Magacaabo Janeraal Xuud.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Ciidamo farabadan oo soo galay Magaalada Baladweyne iyo xiisad ka taagan
To Top