WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Shirka Golaha Wadatashiga oo Maanta ka furmaya Muqdisho iyo Qodobada

Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ka furmo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ay yeelanayaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxda dowlad Goboleedyada .

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan la yeeshay madaxda maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed kuwaa oo siyaasad ahaan taabacsan Madaxweyne Farmaajo

Sida aan wararka ku heleyno Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxda dowlad Goboleedyada oo dhamaan jooga Magaalada Muqdisho ayaa isku afgartay in shirka Golaha wadatashiga maanta ku furmo Caasimadda.

Shirkan muhiimka ah lana sugayo natiijada kasoo baxda ayaa looga hadlayaa Amniga guud ee dalka,  sixitaanka habraaca doorashooyinka iyo in waqti cayiman lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Shirka Golaha Wadatashiga oo Maanta ka furmaya Muqdisho iyo Qodobada
To Top