WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo weerar ku dilay in ka badan 20 Askari oo ka tirsan Kenya

Ugu yaraan lix Ruux ayaa xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku dileen deegaan xeebeedka Lamu ee dalka Kenya, waxayna sidoo kale dab qabadsiiyeen xaafado halkaas ku yaala.

Booliska ayaa sheegay in dagaalyahano aad u hubeysan ay weerar ku qaadeen xaafado ka tirsan deegaanka Widhu subaxnimadii, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Sidoo kale Boolisku waxaa ay sheegeen i ay wadaan howlo baaritaano ah oo la xiriira weerarka, wuxuuna daba socdaa weeraro dhowr ah oo Al-Shabaab ay ka geysteen gobolka Lamu ee xuduudka la leh Soomaaliya.

Al-Shabaab oo goor siihoreysay sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas ayaa waxaa ay sheegeen inay ku dileen 20 kamid ah Askarta Kenya walow aysan jirin cid xaqiijineysa sheegashada Al-Shabaab.

Al-shabaab oo weerar ku dilay in ka badan 20 Askari oo ka tirsan Kenya
To Top