WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wadaatashiga Qaran oo goordhaw ka furmay Magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa diiradda lagu saarayaa amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka BFS.

Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in muhiim tahay in laga shaqeeyo in dalka ka dhacdo doorasho hufan oo raali laga yahay kuna qabsoonta waqti dhow, isaga oona sheegay in aysan suurto gal aheyn in waqti kale lasii lumiyo.

Shirkan goordhaw u furmay golaha wadatashiga Qaran ayaa la filayaa in gabo gabadiis laga soo saaro war murtiyeed lagu cadeenayo geedi socodka iyo habraaca doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka oo marar badan dib u dhac ku yimid.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho
To Top