WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Xamse oo si kulul uga hadlay Qaraxyadii Al-shabaab ee Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xamse Cabdi Barre, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-shabaab la beegsadeen maanta dadka maatida ah, waxaana uu sheegay in aanu marnaba niyad jabin doonin kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed iyo dagaalka ay Dowladda Soomaaliya hormuudka ka tahay ee lagu ciribtiraayo Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Allaah uga baryay inuu Janatul Fardowsa ugu deeqo dhammaan shacabkii Soomaaliyeed ee Shuhadada ahaa ee maanta Shabaabka ku laayeen Magaalada Muqdishu.

:Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in qaraxyada maanta dhacay ay tusaale u yihiin hadafka guud ee Khawaarijta oo ah inay baabi’iyaan ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo aan kala sooceyn carruur, dhallinyaro, haween iyo waayeel intaba’ ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Xafiiska RW Xamse Barre.

Waxaa mar kale uu Ra’iisul Wasaaruhu ku celiyay in Xukuumadda ay ka go’an tahay sidii loo dabargoyn lahaa kooxda argagixisada ee gabalkoodu sii dhacayo, isagoo shacabkana ugu baaqay in si wadajir ah la isaga kaashado ka hortagga dhagarta ay maleegayaan.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo si kulul uga hadlay Qaraxyadii Al-shabaab ee Muqdisho
To Top