WARARKA SOOMAALI

Dad farabadan oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qaraxyadii Magaalada Muqdisho

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac farabadan ayaa ka dhashay qaraxyadii  shalay lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ee ku taalla isgoyska Soobe ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxyada ayaa waxaa ay ahaayeen kuwo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuixyey waxyaabaha qarxa oo lagu weeraray Xarunta Wasaaradda, oo xilligaas ay ku sugnaayeen arday farabadan oo shahaado u doontay.

In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho, halka ku dhawaad 300 oo qof kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen qaraxayada, waxaana sidoo kale nolal iyo geeri lagu la’yahay dhowr qof oo ay baadi goob ugu jiraan qoysaskooda.

Isbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la dhigay dadka qaba dhaawacyada, isla markaana waxaa  buux dhaafiyay dadweyne farabadan, kuwaasi oo baadi-goob ugu jira sidii ay u heli lahaayeen dad ka maqan.

Sidoo kale dadka qaarkood ayaa codsanaya in la tuso qaboojiyeyaasha meydadka la galiyo iyo goobaha ay dhaawacyada halista ah yaalaan.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira Saraakiil Ciidan, Wariye Maxamed Ciise Koonaa iyo dad kale oo shacab ah, ayna kamid yihiin carruur iyo hooyooyin goobta ku iibinayey caano iyo waxyaabo kale, burbur xooggan ayaa gaaray dhismayaal goobta ku yaallay.

Dad farabadan oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qaraxyadii Magaalada Muqdisho
To Top