WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Wararkii ugu danbeeyay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho & khasaaraha ka dhashay

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo xooggan oo Maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Qaraxyada ayaa la beegsaday Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku taalla Isgoyska Zoobe ee Muqdisho, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Afhayeenka Ciidanka Booliska oo Warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa waxaa uu sheegay in qaraxyada la doonayey in lala beegsado Arday ku sugneyd Wasaaradda Waxbarashada,  isla markaana Ciidanka amniga ay ka hortageen.

In ka badan 10 oo ay ku jiraan Saraakiil ka tirsaneyd Ciidanka Booliska ayaa ku dhintay qaraxa, Wariye Maxamed Ciise Koonaa ayaa sidoo kale kamid ahaa dadka ku dhintay goobta, halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo uu ku jiro Taliye Mahad Koroow.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Wararkii ugu danbeeyay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho & khasaaraha ka dhashay
To Top