WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo si kulul uga hadlay weerarkii dadka lagu laayey

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si kulul uga hadlay weerarka Al-shabaab ku laayeen dad rayid ah, kuna gubeen 7 gaari iyo hantidii saarnayd, deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

“In la laayo dad Muslimiin ah, masaakiin ah, shacab xoogsato ah, la gubo gaadiidkoodi, dabna la qabadsiiyo hantidoodi — waa fal aan sal iyo raad ku lahayn diinteena suubban, waa dhaqan xun oo Islaamnimada ka baxsan, waa astaan muujinaysa cadawtinimada iyo nacaybka gaamuray ee ay Shabaab u hayaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in xukuumaddu garab taagan tahay ciidammada halyeeyada deegaanka ee is abaabulay kuwaas oo khasaare badan gaarsiiyay kooxda ah ee tabartoodu ku soo aruurtay gumaadka shacabka Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigay Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qoysaskii – dadkaasi aan waxba galabsan ee Al-shabaab sida arxan darrida ah u laayay, isagoo Allaah Subxaanahu wa tacaalaa, uga baryay inuu Jannadii Fardowso ka waraabiyo.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo si kulul uga hadlay weerarkii dadka lagu laayey
To Top