WARARKA SOOMAALI

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM oo gaaray Baydhabo lana kulmay Laftagareen

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi ka socday Qaramada Midoobay, iyagoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdiga uu hoggaaminayey ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UN-OCHA Martin Griffiths

Kulanka waxaa looga hadlay Arimaha Abaaraha iyo sidii wax loogu qaban lahaa Bulshada ku nool guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed ee saamaysay Abaarta Daran ee ka dhacday guud ahaan Dalka.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UN-OCHA Martin Griffiths uga mahadceliyay socdaalka ay ku tageen Magaalada Baydhabo, isagoona xusay in arrintaan muhiimad gaar ah u leedahay.

Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada iyo Agaasimaha guud Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed.

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM oo gaaray Baydhabo lana kulmay Laftagareen
To Top