WARARKA SOOMAALI

MW Xasan Sheekh oo qaadaya tallaabo Deg-deg, kadib dadkii la laayey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay falkii Al-Shabaab ku xasuuqeen muwaaddiniin Soomaaliyeed oo nolol-maalmeedkooda caadiga ah watay,  kuwaasi oo ku sugnaa deegaanada Afar-irdood iyo Cadakibir ee kala hoos yimaada Gobolka Hiiraan ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo Gobolka Galgaduud ee Dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ficillada ay tusaale u yihiin dhibaatada Al-shabaab ay u geysanayaan shacabkeenna biri-mageydada ah iyo sida ay caqabadda ugu yihiin guud ahaan horumarka dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in nabad-diidka Al-shabaab aysan Shacabka Soomaaliyeed u oggolayn nolol, nabad, xasillooni, amni iyo hurumar, taas beddelkeedana ay isku dayayaan cabsi-gelinta, daadinta dhiigga muwaaddiniinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo is garabsanaya ay tallaabooyin wadajir oo degdeg ah qaadayaan kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo Argagixisada Al-Shabaab, si loogula xisaabtamo jarriimooyinka ay u geysteen dadka biri-mageydada ah ee ay ku laayeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ee Dowlad-goboleedka Hiirshabeelle iyo guud ahaan dalka.

Madaxweyne Xasan ayaa bogaadiyey dadaallada naf-hurnimada leh ee ay wadaan Ciidamadeenna geesiyaasha ah iyo Shacabka is abaabulay ee ku nool Gobolka Hiiraan ee Hirshabelle iyo Gobolka Galgaduud ee Galmudug si ay isaga dulqaadan dhagarta cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne ayaa baaq adag u diray shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan si loo ciribtiro kooxaha dhiigyacabka ah ee caadeystay gumaadka iyo dibindaabyada dadka Soomaaliyeed.

MW Xasan Sheekh oo qaadaya tallaabo Deg-deg, kadib dadkii la laayey
To Top