WARARKA SOOMAALI

Hirshabeelle oo ku dhawaaqday inay Jawaab ka bixineyso xasuuqii dhacay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa guddoonshay shir Deg-deg ahaa  oo looga hadlaayay amniga Maamulkaas Hirshabeelle.

Kulankaan ayaa looga hadlay amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle, xogaha dhaqdhaqaaqyada Al-shabaab ay wadaan iyo howlgalada deegaanada Maamulka ee ka socda Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha ciidamada in si degdeg ah looga howlagalo xureynta deegaanada gacanta cadowga ku jira oo dadkeedu ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyin kala duwan, isagoo saraakiisha amniga u jeediyay inay ka jawaabaan xasuuqa Al-shabaab ka geysteen deegaanka afar irdoodka ee Gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay falkii foosha xumaa ee argagixisadu ku laayeen dad shacab ah kuna gubeen hantidoodii, waxaana uu ku  baaqay in si wadajir ah looga qeybgalo howgallada lagu ciribtirayo argagixisada alshabaab.

Al-shabaab ayaa shalay dad shacab ah ku laaysay inta u dhexeeysa degmooyinka Maxaas iyo Baladweyne, waxaana halkaas lagu dilay in ka badan 20 ruux, sidoo kalena la gubay gaadiid waday raashin, Al-shabaab ayaa dadka ay dishay ku sheegtay inay ahaayeen kooxda macwiisleyda.

Hirshabeelle oo ku dhawaaqday inay Jawaab ka bixineyso xasuuqii dhacay
To Top