WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo magacaabay Guddiga Gurmadka Qaraxyadii Soobe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya hawlaha gurmadka ee qaraxii shalay lagu weeraray Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Guddiga uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa ka kooban 10-xubnood, waxaana Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan, iyagoona ka shaqeyn doona howlaha gurmadka qaraxyadii ka dhacay Muqdisho.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddi kale oo ka shaqeeya Hubinta iyo la socodka qasaarihii ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay Isgoyska Soobe gaar ahaan afaafka hore ee Wasaaradda Waxbarashada.

Hoos ka Akhriso magacyada Guddiga la magacaabay

1- Dr. Cali Xaaji Aadan              Wasiirka Caafimaadka                          Guddoomiye

2- Dr. Maxamed Axmed Sh Cali              Wasiirka Amniga Gudaha                      Xubin

3- Faarax Sheekh Cabdiqaadir  Wasiirka Waxbarashada                       Xubin

4- Daa’uud Aweys Jaamac.               Wasiirka Warfaafinta                             Xubin

5- Khadiijo Maxamed Diiriye              Wasiirka Haweenka                Xubin

6- Abshir Maxamed Axmed Wasiiru dowlaha Madaxtooyada  Xubin

7- Xirsi Jaamac Gaani Wasiiru dowlaha XRW                             Xubin

8- Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir   Xubin

9- Maxamuud Macallin Cabdulle Guddoomiyaha SODMA                Xubin

10- Cabdulqaadir Cabdullaahi Faarax Maareeyaha  NEOC                             Xogheyn

Guddigan uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa u xilsaaran waajibaadka soo socda:

1- Hubinta iyo la socodka qasaarihii ka dhashay qaraxii bahalnimada ahaa ee 29/10/2022.

2- Fidinta caawimaad deg deg ah  dadkii wax yeeladu ka soo gaartay qaraxyada.

3- Diiwaan gelin iyo baadi goobka dadka la la’yahay.

4- Isku xirka iyo isku dubaridka howlaha Gurmadka

5-Xal u helidda iyo xoojinta adeeg-yada caafimaad ee Isbitaallada Dalka

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo magacaabay Guddiga Gurmadka Qaraxyadii Soobe
To Top