WARARKA SOOMAALI

Waqtiga uu furmayo kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Somalia oo la shaaciyey

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa shaaciyay waqtiga rasmiga ah ee uu furmayo kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka 11-aad.

War-saxaafadeed si wadajir ah usoo saareen Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa lagu sheegay in labada mas’uul wadatashi ka yeesheen furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Federaalka.

Labada Guddoomiye ayaa isku raacay in si rasmi ah kalfadhiga 2-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka u furmo 15-ka soo socota ee November 2022, oo ku beegsan maalin talaado ah, sida la shaaciyay.

Waqtiga uu furmayo kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Somalia oo la shaaciyey
To Top