WARARKA SOOMAALI

Farmaajo oo si kulul uga hadlay Qaraxyadii dadka ku dhinteen ee Muqdisho

Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay dadkii dhintay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada ee ku taalla Isgoyska Soobe.

Maxamed Farmaajo ayaa falkii dhacay ku tilmaamay mid arxan darro ah oo ay khawaarijtu ku gumaadeen shacabka, wuxuuna sheegay in falkaas ka marag kacay hadafka cad ee argagixisada.

Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryay intii ku dhimatay qaraxa in uu hoygooda ka yeelo jannatul Firdowsa, simir iyo iimaanna ka siiyo qoysaskii ay ka bexeen. Sidoo kale wuxuu inta ku dhaawacantay Alle u weydiiyey caafimaad iyo soo kabasho degdeg ah.

“Falkan arxan darrada ah ee ay khawaarijtu ku gumaadeen shacabka waxa uu ka marag kacayaa hadafka cad ee argagixisada oo ah bannaysiga dhiigga shacabka muslimiinta ah iyo burburinta hantidooda. Waxaan Alle uga baryayaa intii ku dhimatay qaraxa in uu hoygooda ka yeelo jannatul Firdowsa, simir iyo iimaanna ka siiyo qoysaskii ay ka bexeen” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay qaraxyadii shalay ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, halka ku dhawaad 300 qof kalena ay dhaawacyo kala soo gaareen, kuwaasi oo Isbitaalada la dhigay.

Farmaajo oo si kulul uga hadlay Qaraxyadii dadka ku dhinteen ee Muqdisho
To Top