WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo gaaray Masar & xogta wada-hadallada bilaabanaya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaasi oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa waxaa ujeedka safarkiisa magaalada Qaahira uu yahay mid la xiriira sii xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Masar, kuna saleysan dhinacyo kala duwan.

Xamse ayaa kulamo la yeelan doona madaxda ugu sarreeysa dalka Masar, waxayna ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka, iskaashiyada iyo arrimo la sheegay inay ku saabsan yihiin dhallinyaro Soomaali ah oo dalkaas loogu qaadayo tababar ciidan.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Xamse Cabdi Barre ee Qaahira ayaa qaadan doonta muddo saddex maalmood ah, sida la shaaciyey.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo gaaray Masar & xogta wada-hadallada bilaabanaya
To Top