WARARKA SOOMAALI

Maxaabiis lagu qabtay furimaha Dagaalka Ukraine & Ruushka oo lasii daayey, kadib markii..

50 Maxbuus oo u dhashay dalka Ukraine ayaa dib ugu laabtay dalkooda, kuwaasi oo ay Milliteriga Ruushka horey ugu qabteen goobaha Dagaalka.

Andriy Yermak oo ah Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in maxaabiista soo guryo noqday ay kala yihiin 33 sarkaal iyo 17 Askari.

Qoraal uu soo dhigay Barta Telgram ayuu ku sheegay in lagu guuleystay Maxaabiis Isdhaafsi kale, iyadoo 50 maxbuus ee la soo daayey ay ka kala tirsan yihiin Ciiddanka Cirka, Ciiddanka Ilaalada Qaranka, Ciiddanka difaaca Xuduudaha, Ciiddanka Badda iyo kuwa Hawlgallada Khaaska ee Ciiddanka Ukraine.

“Waxaan dib u soo celinay dadkii lagu qabtay rugta Tamarta Nukliyeerka ee Chernobyl iyo Difaacayayaasha magaalada Mariupol, Goballada Kyiv, Kherson, Chernihiv iyo kuwo kale oo ay Hawlgallada Milliteriga laga qaaday” ayuu yiri Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Ukraine.

Si kastaba ha ahaatee, Tirada guud ee maxaabiista Milliteriga Ukraine iyo dadka Rayidka ee ay Ruushka sii daayeen sanadkii hore waxay baarayaan 1,596 qof.

Maxaabiis lagu qabtay furimaha Dagaalka Ukraine & Ruushka oo lasii daayey, kadib markii..
To Top