WARARKA SOOMAALI

Dowladda Federaalka oo Maanta shaacisay inay howlgal ku dishay in ka badan 60 Al-shabaab ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay khasaaraha ka dhashay howlgal qorsheysan oo laga fuliyay deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka Nabadsugida ee NISA iyo kuwa caalamiga ah ay howlgal ku dileen illaa 61-xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dowladda ayaa sheegtay in maleeshiyaadka la weeraray ay doonayeen inay weeraraan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ku sugnaa deegaanka Xawaadley, sidoo kalena laga hortagay gaadiid ay qaraxyo kusoo diyaariyeen Shabaabka.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa muddooyinkii dambe howl-galo qorsheysan ku beegsaneysay dagaal-yahanada Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku dishay Shabaab badan, xili uu gobolada dalka ka socda dagaal ka dhan ah kooxda.

Dowladda Federaalka oo Maanta shaacisay inay howlgal ku dishay in ka badan 60 Al-shabaab ah
To Top