WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Guudlaawe oo La-dagaalanka Al-shabaab kala hadlay Mareykanka

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta kulan la qaatay Safirika Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Larry André.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud ee Hirshabeelle gaar ahaan amniga iyo howlgallada lagula dagaalamayo kooxda Al-shabaab ee socda deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Larry André in dagaaladii lala galay Shabaab ee loo adkaaday, jiyadoo laga xureeyay deegaano degmooyin ka tirsan Hirshabeelle haatanna lagu jiro waqtii lasoo afjari lahaa kooxda Al-shabaab.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa sidoo kale ka wadahadlay muhiimada ay leedahay in deegaanada laga xureeyay Shabaabka laga fuliyo barnaamijyada xasilinta si ay bulshado u hesho adeegyada muhiimka ah ee Dowladda iyo kor u qaadida mashaariicda horumarineed.

Madaxweyne Guudlaawe oo La-dagaalanka Al-shabaab kala hadlay Mareykanka
To Top