WARARKA SOOMAALI

Akhriso: Puntland oo ku dhawaaqday inay u dhaqmeyso sida Dowlad madax bannaan

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Caawa ku dhawaaqay inuu yahay dowlad ka madax bannaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in xaq u leeyihiin inay u dhaqmaan sidii dawlad u madax bannaan fulinta waajibaadyadeeda dawliga ah.

Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay in Wasaaradeheeda ay dowladda Federaalka ay kala xaajoo karaan wadashaqeynta mashaariicda horumarineed, illaa inta laga dhammeystirayo arrimaha wada-xaajoodyada.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xili Madaxweyne Deni oo xalay ka hadlayey munaasabad ka dhacday Garoowe uu ku eedeeyey DF iney caqabad ku tahay nidaamka Federaalka, ayna dooneyso iney soo celiso awoodii dowlad dhexe oo hal gacan ku maamusha dalka oo dhan.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka

Akhriso: Puntland oo ku dhawaaqday inay u dhaqmeyso sida Dowlad madax bannaan
To Top