WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: Guddoomiye Aadan Madoobe oo gaaray Magaalada Baydhabo & Shirweyne…

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta gelinkii dambe gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed .

Wafdiga Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Cabdicasiisa Xasan Laftagreen, masuuliyiin ka tirsan maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Socdaalka Guddoomiye Aadan Madoobe ee Magaalada Baydhabo ayaa la xiriira ka qeyb galka Shirka Dib-uheshiisinta Koonfur Galbeed oo lagu wado Maalmaha soo socda inuu ka furmo Magaalada Baydhabo.

Guddiga farsamada shirka ee uu magacaabay Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa haatan ku sugan Baydhabo oo ay maalmo ka hor gaareen.

Shirkaan ayaa waxaa la filayaa in xal buuxa looga gaaro khilaafka ka taagan doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyadoo shirka ay ka qeyb geli doonaan siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda Madaxweyne Lafta-gareen.

SAWIRRO: Guddoomiye Aadan Madoobe oo gaaray Magaalada Baydhabo & Shirweyne…
To Top