WARARKA SOOMAALI

Dowladdaha Somalia iyo Itoobiya oo yeelanaya Iskaashi la xiriira Duulimaadyada

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil Fardowsa Cismaan Cigaal iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Wasiirad Fardowsa ayaa waxaa Itoobiya kusoo dhaweeysay dhiggeeda Wasiirka gaadiidka Itoobiya Marwo Dagmawit Moges, iyagoo yeelanaya wadaxaajood lagu horumarinayo iskaashiga duulimaadyada.

Wasiir Fardowsa iyo wafdiga ay hoggaaminayso ayaa muddada ay ku sugan yihiin Itoobiya ,waxaa ay wada-hadallo la xiriira horumarinta duulimaadyada, iskaashiga iyo khibrad wadaagga la qaadanayaan mas’uuliyiinta wasaaradda gaadiidka dalka Itoobiya.

“ Itoobiya waa mid ka mid ah waddamada gobolka ee aan la leenahay iskaashiga horumarinta dhinacyada duulimaadka iyo khibrad wadaaga, waxaana hadda u tagnay Addis Ababa si aan u dhammeystirno is-afgaradka dhinacyadaa la xiriira.” ayey tiri Fardowsa Cismaan.

Socdaalkan ayaa waxaa qeyb ka ah Maareeyaha guud ee hay’adda duulista rayidka Soomaaliya mudane Axmed Macallin iyo Maareeye ku-xigeenka hay’adda Saciid Maxamed.

Dowladdaha Somalia iyo Itoobiya oo yeelanaya Iskaashi la xiriira Duulimaadyada
To Top