WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray Kismaayo & Ujeedka socdaalkiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya – Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo,  EE Xarunta Gobolka Jubbada ahna caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Xamse Barre ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, Madaxwene ku-xigeennada, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Jubbaland ayaa la xiriira u kuurgelidda xaaladaha binu aaddantinimo ee ka dhalatay daadadka El-nino oo saameyn xooggan ku yeeshay deegaannadan, dardar-gelinta howl-galka wajiga 2aad ee Al-Shabaab.

Sidoo kale Xamse Cabdi Barre ayaa xariga jaraya, isla markaana dhagax-dhigga mashaariic horumarineed iyo xoojinta wada-shaqeynta hey’adaha Federaal iyo kuwa dowlad-goboleed Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Dowlad goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada soo dhaweynta diirran ee lagu qaabilay.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray Kismaayo & Ujeedka socdaalkiisa
To Top