WARARKA SOOMAALI

Dil ka dhacay xaafad ka tirsan Muqdisho & Wararkii ugu Danbeeyay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya mas’uul ka tirsanaa Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Maanta lagu dilay xaafad ka tirsan degmada Dharkeenley ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Mas’uulka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Yuusuf, isla markaana waxaa lagu dhex khaarijiyay hoygiisa, isagoona Marxuumka u geeriyooday rasaas ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil. Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka tacsiyeeysay  geerida Marxuum Maxamed Yuusuf oo kamid ahaa shaqaalaha Wasaaraddaasi.

Falka kadib ayaa waxaa goobta ka baxsaday kooxihii hubeysnaa ee falkaasi khaarijinta ahaa geystay, ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada Dharkeenley ayaa tagay guriga uu dilka ka dhacay, kadibna qaaday Meydka.

Maxamed Yuusuf ayaa ahaa Sawir-qaade ka tirsan Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey uga dhacay dilal loo geystay mas’uuliyiin, Askar iyo dad shacab ah.

Dil ka dhacay xaafad ka tirsan Muqdisho & Wararkii ugu Danbeeyay
To Top