WARARKA SOOMAALI

Maxkamadda Ciidamada oo Xukuntay Sarkaalkii Maaliyada Al-Shabaab

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanra xukun adag oo xabsi ah ku riday Xaashi Garaad Cali Caalin (Yaxye) oo lagu soo eedeeyay in uu Al Shabaab u qaabilsanaa maaliyadda lacagaha baadda ah.

Xeer ilaainta maxkamadda ayaa sheegtay in Xaashi Garaae Alshaabab ku biiray 2013kii, isaga oo u qaabilsanaa maaliyadda Mudug iyo Galgaduud kana holwgali jiray Xarardheere, Joowle Caad iyo Bacaadweyn.

Sargaalan Al Shabaab katirsanaa ayaa laga soo qabtay deeganka Baraak Ciise ee gobolka Mudug todobadii bisha July ee sanadkan, xilli uu deegaankaasi uu ku dhuumaaleesanayay.

Xaashi iyo nin kale oo la socday ayaa watay laba qori Ak47 ah iyo mooto Fikon waxa ayna ka yimaadeen Baraak Ciise ee u dhow deeganka Bacaadweyn, balse ninkii kale ayaa goobta ku geeriyooday ka dib markii ay ciidanka la dagaalameen halka Xaashi uu isna goobta ku dhaawacmay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Labatankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukumay, Xaashi Garaad Cali Caalin (Yaxye) 10 Sano oo Xabsi ciidan ah.

 

Maxkamadda Ciidamada oo Xukuntay Sarkaalkii Maaliyada Al-Shabaab
To Top