WARARKA SOOMAALI

Tirada dadka ku dhintay Fatahaadaha iyo daadadka ka socda Dalka oo korortay

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa qabtay shir jiraa’id oo uu kaga warramay xaaladdii ugu dambeysay saameynta ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobabaka ka da’ay dalka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka ku geeriyooday ay illaa hadda marayaan 96 Ruux oo 28 kamid ah ay ku dhinteen Doon la qalibantay kadib markii sida uu tilmaamay Al-shabaab u diideen meel ay ka baxaan.

In ka badan labo milyan oo ruux (2,000,300), ayaa ay saameyn ku yeesheen roobabka daadadka wata ee ka da’ay dalka Soomaaliya, waxaana ku barakacaay illaa sagaal boqol oo kun (9,000) oo ruux sida uu sheegay guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle oo ka warbixiyay gurmad ay hey’adda SODMA ay sameysay ayaa sheegay in illaa 11 kun oo ay gaarsiyeen cuno iyo agab kale oo ay u baahnaayeen, waxaana uu tilmaamay in ilaa hadda ay filayaan gurmad oo xooggan oo ay ku yabooheen dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.

“Illaa hadda waxaa la gaarsiiyay 33 doomoon Gedo, Jubbada Hoose iyo Hirshabeelle oo u baahna dooman si loo badbaadiyo dadka ay fatahaadu saameysay” ayuu yiri guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle.

Tirada dadka ku dhintay Fatahaadaha iyo daadadka ka socda Dalka oo korortay
To Top