WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo xilka qaadis ku sameeyay Ergey Maxamed Cabdi Waare

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ergayga Gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka u magacaabay Xil.dhibaan Cumar Ibraahim Xaashi.

Ergeyga Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka ayaa u xilsaaran xakameynta qasaaraha rayidka ah ee ku sugan deegaannada ay ka socdaan howlgallada xoreynta dalka iyo Xasilintooda.

Madaxweynaha ayaa Ergeyga kula dardaarmay in uu si hagar la’aan ah ugu soo dhalaalo masuuliyaddan adag ee ay ku jirto badbaadada iyo amniga dadka Soomaaliyeed.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  mudnaanta koowaad siinaya sidii deegaannada laga xoreeyey Alshabaab ay u heli lahaayeen maamul, xasillooni iyo adeegyo bulsho” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray Hay’adaha dowladda iyo Talisyada Ciidamada Qalabka Sida in ay si dhow waajibaadkiisa ugu gacan siiyaan Ergeyga Gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka.

Madaxweyne Xasan Sheekh xilkan Ergayga Gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ka qaaday Maxamed Cabdi Waare oo mar soo noqday Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle.

Xasan Sheekh oo xilka qaadis ku sameeyay Ergey Maxamed Cabdi Waare
To Top