WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirada Guddoomiyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee shaqada ka sii tagaya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada oo Maanta qabsoomay.

Shirkan ay saaka yeesheen Golaha Wasiirada waqtigooda dhammaaday ayaa dib loogu eegay howlihii u qabsoomay Xukuumaddii uu Ra’isul Wasaaraha ka ahaa Maxamed Xuseen Rooble muddadii ay shaqeyneysay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha Golaha Wasiirrada ugu mahadceliyay sidii wanaagsaneyd ee ay ula soo shaqeeyeen, isagoo kula dardaarmay sii wadista howlaha qaranka iyo gacan siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban iyo dowladda cusub.

Ra’isul Wasaaraha magacaabab ee Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu wadaa marka codka kalsoonida Xildhibaanada Golaha shaacabka helo uu soo magacaabo golle Wasiiro cusub oo shaqada Xukuumadda la wareega.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirada Guddoomiyay
To Top