WARARKA SOOMAALI

Diyaarad ay saarnaayeen Boqolaal qof oo Shil gashay iyo wararkii ugu danbeeyay

Diyaarad Rakaab oo ay leedahay Shirkadda diyaaradaha Sacuudiga ee Saudia Airlines ayaa Shil ku gashay Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Ninoy Aquino International Airport (The Ninoy Aquino International Airport) ee Caasimadda dalka Philippines ee Manila.

Diyaaradaasi oo ka soo ambabaxday Caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh ayaa waxaa  la socday  420 Qof oo isugu jiray Rakaab iyo Shaqaalaha Diyaaradda.

Diyaaradaasi ayaa waxay ka baxday dhabaha ay diyaaradaha ku soo degaan ee Garoonkaasi, taasi oo sababtay inay waxyeello soo gaaraan qeybta Taayaarada hore ee diyaaradda. Diyaaradaasi oo uu nooceedu ahaa Boeing 777-368 Aircraft waxa uu Tirsiga duullimaadkeedu ahaa (Flight Number SV862.

Maamulka Garoonka diyaaradaha ee Manila (The Manila International Authority  ayaa waxaa ay sheegeen in diyaaradda uu burbur ka soo gaaray qeybta isku-xirka nidaamka haga taayaarada hore ee Diyaaradda.

Warbixinta ayaa waxaa kaloo lagu xusay in Khubarada Farsamada ku hawlan yihiin Dib-u-hagaajinta burburka soo gaaray Diyaaradda.

Guud ahaan 420-ka ee la socday duullimaadkaasi (All  420 passengers and crew of the flight) wey bad-qabaan, waxaana rakaabka iyo Shandadahooda la geeyey Terminal-ka 1-aad ee Garoonka.

Diyaarad ay saarnaayeen Boqolaal qof oo Shil gashay iyo wararkii ugu danbeeyay
To Top