WARARKA SOOMAALI

Qarax ka dhex dhacay Xarun Caafimaad oo ku taal duleedka Muqdisho & khasaaro jira

Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo sababay khasaaro dhaawacyo ah ayaa xalay ka dhex dhacay Xarun Farmashi oo ku taalla duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Tabeelaha Sheekh Ibraahim, waxaana laga helayaa faah faahino qaraxaas dhacay.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, isla markaana waxaa la sheegay in qaraxa lagu dhex farsameynayay Xarunta Caafimaad, balse uu qarxay inta ay farsamadiisa socotay, sida ay sheegeen dad la hadlay warbaahinta.

Dhowr qof oo kamid ah shaqaalihii joogay Xarunta Farmashiga ayaa ku dhaawacmay qaraxa, waxaana sidoo kale burbur uu gaaray dhismaha Xarunta oo ay yaaleen daawooyin kala duwan oo dadka laga iibin jiray.

Wararka soo baxayo ayaa shegaya in qaraxa Farmashiga ka dhacay uu salka ku haayo amar kasoo baxay maleeshiyaadka Al-shabaab oo ay diideen maamulka Farmashga, kasoo la xariiray bixinta lacag sakawaad ah.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray ciidami ka tirsan Booliiska Soomaaliya, kuwas oo baaritaano ka sameeyay goobta qaraxa ka dhacay iyo nawaaxigeeda, hayeeshe majirin wax natiijo ah oo kasoo baxay baaritaankooda.

Qarax ka dhex dhacay Xarun Caafimaad oo ku taal duleedka Muqdisho & khasaaro jira
To Top