WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Xukun lagu riday xubno halis ah oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee maamulka Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riday koox shabakad ah oo qirtay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ,kuwaa oo ka howlgalayay Magaalada Boosaaso.

Ragan xukunka dilka lagu riday oo afar ahaa ayaa qirtay in ay xubno ka yihiin Al-shabaab , waxa ay sidoo kale maxkamada horteeda ka qirteen dilal iyo qaraxyo dhoor ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso in iyagu ka dambeeyeen.

Garsoorka Maxkamadda ayaa sheegay in afartan nin oo kala ah Jaamac Aaden Tusbaxle, Ayuub Cumar Shire, Cabdullaahi Salaad Boos iyo Maxamud Abshir Muuse ay qirteen dambiyada loo heesto waxa ay sidoo kale maxkamada xukun ku riday nin kale oo maqane ah.

Muuqaal laga duubay ragan oo hortaagan Maxkamada ayey ku qirteen in ay ka dambeeyeen dilalka masuuliyiin, waxgarad, askar iyo dad kale loogu geestay Boosaaso iyo qaraxyo kale oo khasaaro geestay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

 

DAAWO:-Xukun lagu riday xubno halis ah oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab
To Top