WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Guddiga A/Dastuurka ee la Magacaabay

Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta Xaruntooda waxaa ay ku yeesheen mid kamid ah kulamadooda caadiga ah, iyaga oo iska soo dhex xulay Xubnaha  Aqalka Sare ku matali doona Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka labada Aqal.

Gudoomiyaha Golaha  Aqalka Sare  Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabay xubnaha golahaasi ku matalaya gudiga dastuurka ee labada aqal kuwaas oo ka kooban 5 xubnood.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dhankooda waxaa laga sugayaa inay iska soo dhex xulaan Xubnaha ku matali doona uddiga Arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka labada Aqal, waxaana wareegto ku magacaabi doona  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe).

HALKAAN KA DAAWO MAGACYADA GUDDIGA LA MAGACAABAY

DAAWO:-Xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Guddiga A/Dastuurka ee la Magacaabay
To Top