WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka degay Garoonka Dhuusamareeb + ujeedka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyey Madaxda Dowlad Gobolleedka Galmudug iyo qeybaha bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb galaya shirka wadatashiga hannaanka doorashooyinka ee dhowaan ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirka ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka oo uu saldhig u yahay heshiisyadii la gaaray ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta diirran ee loo sameeyey isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo.

SOMALI NEWS

To Top