WARARKA SOOMAALI

Cabdi Xaashi oo dalab fulintiisa Culus u yahay u diray Madaxweyne Qoorqoor

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlaaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in uu maalinta berri ah ku wajahan yahay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Cabdi Xaashi ayaa ku wargeliyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor inuu maalint berri imaan doonaan Dhuusamareeb isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo, waxaana uu Madaxweyne Qoorqoor ku bogaadiyay Gogosha taalla Magaalada Dhuusamareeb ee looga hadlay marxaladda siyaasadeed ee dalka.

Waxaana uu intaas ku daray in arrimaha taagan ee looga hadlayo ay ka mid tahay khilaafaadka arrinta Xildhibaannada Gobolada Waqooyi, taasi oo horay khilaaf uu kaga dhashay.

Shirka wadatashiga ayaa la filayaa in berri uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, waxaana Galabta goor dambe  Dhuusamareeb gaaray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maaxmed Cabdulaahi farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi.

SOMALI NEWS

To Top