WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare ka badbaaday isku day Dil iyo wararkii ugu dambeeyay

Ra’iisul Wasaaraha dalka Haiti Ariel Henry, ayaa ka bad baaday shirqool la doonayay in lagu dilo xili uu ka qeyb galayay munaasabadda xuska xorriyadda dalkaasi oo ka socotay kaniisad kutaala  magaalada Gonaives.

Burcad hubeysan ayaa weerar ku qaaday rasaasna ku faray banaanka kaniisada ay ka socotay munaasabada uu ka qeyb galayay Ra’iisul Wasaaraha dalka Haiti , waxaana mar qura lagu kala cararay goobta ay munaasabadda ka socotay.

Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa lagu baahiyay Muuqaal muujiyay Ra’isul Wasaare Henry iyo kaaliyaashiisa oo u ordaya gaadiidkooda, xilli ay rag hubeysani rasaas ka ridayeen bannaanka kaniisadda.

Madaxweynihii dalka Haiti ayaa horey loogu dhax dilay gurigiisa kadib markii weerar qorsheesan ku qaadeen calooshood u shaqeesayaal u dhashay dalka Colombia iyo kuwa heestay dhalashada dalka Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare ka badbaaday isku day Dil iyo wararkii ugu dambeeyay
To Top