WARARKA SOOMAALI

RW Rooble oo Beesha Caalamka u gudbiyey Warbixin la xiriirta Doorashada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan madaxda dowlad Goboleedyada oo xubno ka ah Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan la yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka .

Kulankan dhax maray Golaha Wadatashiga Qaranka iyo wakiilada Beesha Caalamka ayaa diirada lagu saaray arrimo dhoor ah oo kamid ahaayeen dardargalinta doorashooyinka dalka ka bilowday iyo sidoo doorashada u noqon laheyd mid hufan.

Ra’ iisul Wasaare Maxamed Rooble ayaa sheegay in ay ka go’n tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gebogebeeyo doorashada, iyadoo turxaan bixinta iyo toosinta wixii ka soo laabtay lagala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso sida Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo daneeeyeyaasha kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Beesha Caalamka uga mahadceliyay taageeradooda dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sida ay gacan uga geesanayaan qabsoomida doorashada, waxa uuna balan qaaday in ay ka shaqeenayaan qoobashada doorasho hufan.

RW Rooble oo Beesha Caalamka u gudbiyey Warbixin la xiriirta Doorashada
To Top