WARARKA SOOMAALI

Baaq loo diray Maleeshiyo Beeleed uu dhexmaray Dagaal khasaaro dhaliyey

Shir Jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Guddoomiyaha Gobalka iyo Taliyaha qaybta Booliska Gobalka Nugaal ayna Goob joog ka ahaayeen Saraakiisha Amniga Gobalka ayay Baaq nabadeed ugu direen Beelaha walaalaha ay ee ay dirirtu ku dhexmartay deegaanada Saaxo maygaag iyo Sanga jabiye iyagoo carabka ku adkeeyey in nabada la qaato xal waarana laga gaaro colaadan.

Taliyaha Qaybta ayaa dhanka kale ku booriyay Bulshada Gobalka Nugaal gaar ahaan caasimada Puntland ee Garoowe ka shaqaynta nabada iyo in laga fogaado wax kasta oo abuuri kara amni daro iyo shaqaaqo dhacda.

Xaalada deegaanka Saaxo Maygaag oo ay shalay ku dagaalameen Beelo walaalo oo halkaasi wada daga ayaa laga soo sheegayaa daganaansho, kadib dagaal xoogan oo ka dhacay…

Deegaanada ay dagaalada ku dhexmareen maleeshiyo beeleedka ayaa waxaa ku baxay Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo isimo kala duwan oo xal doonayaal ah.

Baaq loo diray Maleeshiyo Beeleed uu dhexmaray Dagaal khasaaro dhaliyey
To Top