WARARKA SOOMAALI

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo galaya maalintii 2-aad iyo Dood xasaasi oo dhaceysa

Waxaa Maalintii labaad xarunta teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho kulan ku leh Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka, kaas oo ay ka qeyb galayaan Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda 5-ta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka oo shalay furmay ayaa diirada lagu saarayaa amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Soomaaliya.

Maanta ayaa la filayaa in Golaha Wadatashiga Qaran ay dood adag ka yeeshaan caqabadaha heysta doorashooyinka dalka, sida looga gudbi karo iyo waqtiga rasmiga ah ee la soo geba-gabeen karo doorashada Golaha Shacabka.

Shacabka Soomaaliyeed iyo indhaha Caalamka ayaa kusii jeeda Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo lagu jaangoyn doono howlaha doorashooyinka si looga gudbo xiisada siyaasadeed ee ka jirto dalka..

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo galaya maalintii 2-aad iyo Dood xasaasi oo dhaceysa
To Top