WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban oo kulamo la yeeshay Farmaajo & Sheekh Shariif

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa weli kulamo ka wada Muqdisho, wuxuuna xalay booqasho ugu tegay Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay Ra’iisul Wasaaraha in uu Rabbi u fududeeyo masuuliyadda Qaran ee uu dalka iyo dadkaba u haayo.

Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey Ra’iisul Wasaaraha magacaaban booqashada iyo salaanta uu ugu yimid, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si dhow ula shaqeeyaan Xukuumaddiisa, si loo sii amba qaado dowlad-dhiska iyo horumarka dalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa xalay kulan la qaatay madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Shariif Sheekh Axmed, waxayna ka wada-hadleen xaaladda guud ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamze ayaa sidoo kale isla xalay wadahadal la yeeshay Ra’iisul wasaarihii ee dalka, Xasan Cali Khayre, waxayna ka wada-hadleen geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya, sida uu shaaciyey Khayre oo isna qoraal kooban soo saaray.

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban oo kulamo la yeeshay Farmaajo & Sheekh Shariif
To Top