WARARKA SOOMAALI

Ciidamada Dowladda oo gacanta kusoo dhigay Gaari laga soo buuxiyey Qaraxyo

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Ururka 5aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab iyo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugida Jubbaland, ayaa soo bandhigay hub iyo Qaraxyo ay ku soo qabteen Howlgallo ay ka fuliyeen tuulooyin ka tirsan Gobolka Jubbalad Hoose.

Howlgallada ayaa si gaar ah looga fuliyey degaanada Beerxaani, Qudus, Dharkeyn Urur, Yaaq dabayl iyo Barjalla oo ka wada tirsan gobolka Jubbada hoose.

Saraakiisha Ciidamada ee hoggaamineysay Howlgalka ayaa sheegay in ay burburiyeen Taliskii Qaraxyada ee Al-shabaab ku lahaayeen Jubbalada Hoose, isla markaasna gacanta ku dhigeen Hub, qaraxyo iyo Gaadiid.

Sidoo kale, saraakiisha ayaa sheegay in inta uu howlgalka socday ay dileen laba xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, isla markaasna ay nolol ku qabteen afar kale.

Ciidamada Dowladda oo gacanta kusoo dhigay Gaari laga soo buuxiyey Qaraxyo
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

To Top