WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo MW Imaaraadka?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Mudane Sheekh Maxamed Binu Saayid.

Kulanka Labada Madaxweyne ayaa lagu lafa guray hagaajinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, isu-socdka muwaadiniinta iyo bixinta dal ku galka.

Madaxweyne Maxamed Bin Saayid ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ajiibidda marti-qaadkii ay u fidiyeen, waxa uuna soo bandhigay doorka ay dowladdiisu ka qaadanayso gurmadka abaaraha ka jira dalkeenna iyo dib u soo celinta  taageeradooda ku aaddan ammaanka iyo adeegyada bulshada ee dowladda Imaaraatku ay ka fulin jirtay dalkeenna.

Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Cabdikariin Cali Dige ayaa faah faahin ka bixiyey kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh uu la qaatay Madaxweyne Maxamed Bin Saayid.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo MW Imaaraadka?
To Top