WARARKA SOOMAALI

Rag Soomaali ah oo kamid noqday Dadkii ugu dhintay xadka Giriiga iyo Turkiga

12 qof oo tahriibayaal ah oo Labo kamid ah ay Soomaali yihiin ayaa meydkooda laga helay magaalo yar oo Turkiga ku taal oo u dhow xuduudka Giriiga oo ay inta badan adeegsadaan dadka tahriibayaasha ah ee doonaya inay galaan Midowga Yurub, ka dib markii sida muuqata ay baraf galeen oo ay dhinteen, taasoo keentay dagaal afka ah oo labada dal dhex mara.

Ka dib markii meydadka laga helay meel qabow ah oo u dhow magaalada Ipsala Arbacadii, wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Suleyman Soylu ayaa ku eedeeyay ilaalada Giriiga inay si ula kac ah qaxootiga dib ugu celinayaan xadka.

Abuubakar iyo yaxye ayaa la xaqiijiyay in ay ka mid yihiin Dadkii Ku geeriyooday Xadka Turkiga iyo Greece sida ay Poliska u xaqiijiyeen  xubno Jaaliyada kasocday oo tagay goobta ay maydadku yaleen.

Weli waxa jira maydad kale oo weli la aqoonsan in ay Soomaali yihiin.

Soylu wuxuu sheegay in dadka dhintay ay ka mid ahaayeen koox 22 qof ah oo dib loogu riixay Turkiga, wuxuuna bartiisa Twitter-ka la wadaagay sawirro aan fiicnayn oo siddeed ka mid ah maydadka la helay, oo ay ku jiraan saddex qof oo ku labisan funaanado gaaban iyo funaanado.

Rag Soomaali ah oo kamid noqday Dadkii ugu dhintay xadka Giriiga iyo Turkiga
To Top