WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Shirka Midowga Afrika oo Maanta furmaya

Shirweynaha 35-aad ee Ururka Midowga Afrika ayaa Maanta ka furmaya Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, waxaana socda diyaargowgii ugu dambeeyay ee furitaanka Shirka.

Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa waxaa inta uu socdo looga hadli doonaa oo diirada lagu saarayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika iyo hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063.

Sidoo kale meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika ayaa looga arrinsadan doonaa wax ka qabashada caqabaha kala duwan ee ay Qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

Hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika ee ka qeyb galaya Shirweynaha ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray Magaalada Addis Ababa.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan Caasimadda Addis Ababa waxa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa qaar kamid ah Hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika ee ka qeyb galaya Shirweynaha Maanta furmaya.

 

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Shirka Midowga Afrika oo Maanta furmaya
To Top