WARARKA SOOMAALI

Faah faahin: Ciidanka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed oo Wasiir hore xiray

Ciidamada ammaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xalay saacado kooban xabsi ku yaalla Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ku xiray Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka Koonfur Galbeed ay hotel uu Magaalada Baydhabo ka degnaa kala baxeen Wasiir hore C/rashiid C/llaahi Maxamed oo shalay gaaray magaaladaas.

Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa su’aalo weediyay C/rashiid C/llaahi Maxamed oo saacado kooban hayeen, waxaana ciidamada la sheegay in markii dambe sii daayeen wasiirka dibna ugu celiyeen hotelkii uu degnaa.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa hada u sharaxan Kursiga tirsigiisu yahay Hop197 ee doorashadiisa ka dhaceyso Baydhabo, waxa uuna halkaasi u tagay C/rashiid sidii u heli lahaa kursiga.

Faah faahin: Ciidanka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed oo Wasiir hore xiray
To Top