WARARKA SOOMAALI

Rag nafta u keenay shacabka oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Ciidamada booliiska ee ka howlgala degmada Dayniile ayaa ku guuleestay in xalay gacanta ku dhigaan sadex nin oo burcad ah oo dadka shacabka ah dhac ugu geesan jiray xaafado kala duwan oo kuyaala magaalada Muqdisho.

Burcadan oo gaarayay ilaa sadex nin ayaa watay Mooto bajaaj iyo qoray AK-47, waxaana ninka hubeesan uu ku labisnaa dareeska ciidanka dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa milatariga.

Gudoomiyaha Waaxda Halgan ee Degmada Dayniile Cabdullaahu Biibaaye ayaa Warbaahinta u sheegay in burcadan oo dhac u geestay dad shacab ah kana qaatay moobeelo kusoo wargaliyeen ciidamada booliiska sidaasna lagu qabtay.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in buracada hada ku xiran yihiin saldhiga Degmada Dayniile , waxa uuna sheegay in burcadan marar badan dhac ka geesteen xaafado katirsan degmada Dayniile gaar ahaan waaxda Halgan ayna ku daba jireen.

Burcadan ayaa xili ay moobeelo soo dhaceen kana sii baxayeen degmada Dayniile lagu qabtay Isgooska Kuliyadda Jaalle siyaad, waxaana burcadan daba ordayay qaar kamid ah dadkii ay moobeelada kasoo dhaceen.

SOMALI NEWS

To Top