WARARKA SOOMAALI

Qaramada Midoobay oo Ergey cusub u soo magacaawday Soomaaliya

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Anita Kiki Gbeho u magacaabay ku xigeenka xafiiska howl-galka QM ee Soomaaliya ee UNSOM.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ayaa waxaa lagu sheegay Anita ay noqon doonto ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee James Swan.

Haweeneydan oo u dhalatay Ghana ayaa ka soo shaqeysay qaar ka mid ah wadamada ay colaadaha ka dhaceen, sida Angola, Cambodia, Ciraaq, Namibia, Sudan iyo Somalia.

Sidoo kale xilalka ay soo qabatay Anita Kiki Gbeho ayaa waxaa ka mid ah ku xigeenka howl-galka QM ee gobalka Darfur, xiriiriyaha arrimaha gargaarka Qaramada Midoobay ee Namibia, wakiilka UNDP iyo madaxii hay’adda Unocha ee Somalia iyo Sudanta koofureed

Gbeho ayaa bedeli doonto Raysidon Zenega oo ahaa ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee howl-galka UNSOM ee somaliya.

Dhowaan ayaa lagu wadaa in Anita ay la wareegto jagada cusu ee uu u soo magacaabay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

SOMALI NEWS

To Top