WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Wasiirka Warfaafinta Puntland“Soomaliland waa Hasha Geella cuntee Cabaada,,-Video

Garoowe (Horufadhi News)-Wasiirka Warfaafinta,isgaarsiinta Maamul Gobaleedka Puntand Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo shir-jaraod ku qabtay xafiiskiisa wasaaradda ayaa ka hadlay xaaladda Tukaraq,Afduubka Dad shacab ah loogu gaystay degaanka Caynaba & hadalkii Faysal Cali Waraabe.

Qarjab waxaa uu sheegay in aanay jirin wax wada hadal ah oo Puntland kala galayso Somaliland ee ku aadan arrimaha Gobolka Sool,mar la weydiiyey in ay jiraan dadaalo Beesha calamku ay wado oo la xidhiidha dhexdhaxadin labada Maamul ayuu yidhi” adeer Somaliland waa Hasha Geela Cunta oo hadana cabaada,arrinta Beesha caalamkana ma jiraan cid aan wadan kayaga wada hadal kala galayno,cidii hadal rabtaa waa inay Ciideedii tagtaa oo ka baxaan dhulka aanay lahayn” Wasiir Qarjab.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiir Qarjab waxaa uu sheegay in Bulshada Soomaaliyeed Gobol kasta haka yimadeene aan laga lahayn oo ay joogi karaan,imaan karaan,waxkabaran karaan,ka Ganacsan karaan aysana jirin cid waxyeelaynaysa ,waxana aaminsanahay in aan dhulka laga lahayn isu socodka bulshada aan cidna xanibaad u gaysan Karin sida Maammulka somalidiidka ah oo dadka shacabka ah ee ku safraya wadada.

Hadalka Qarajab ayaa kusoo Beegmaya wasiirka warfaafinta Puntland xili shalay Wasiir Soomaaliland u hadlay uu sheegay in wada hadal u socdo Somaliland iyo Puntland.

SOMALI NEWS

To Top